Daawo: Muuse Biixi oo si adag uga hadlay mowqifka ay DF ka istaagtay xiriirkooda Taiwan

Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay hadaladii iyo mowqifkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ka istaagtay xiriirka Somaliland iyo Taiwan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si isbarbar-yaac ah uga jawaabtay xiriirkooda Taiwan, iyagoo sida uu sheegay Shiinaha ku raali gelinaya.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta qaar ee dowladda Soomaaliya ay ku hanjabeen in sida Ruushku uu ugu duulay Ukraine oo kale ay koonfurta Soomaaliya ugu duuli doonto Taiwan.

“Qoladaan aan isku dowladda ahaa jirnay ee Xamar ka talisa, markii ay Somaliland wax yar oo hormar ah ku tallaabsato dagaalka ugu adag ayey qaadaan, waad arkeyseen shalay kaliya seddax wareysi ayey bixiyeen, wax kale ma awoodaan, safiirka u jooga Washington waxuu yiri waan la dagaaleynaa sida Ukraine ayaan gacan u qaadeynaa Taiwan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland wax aysan rabin aan loo meeri karin, isagoo dowladda federaalka ugu baaqay inay ixtiraamaan ‘madax-banaanida Somaliland.’

“Madax-banaanideenu maaha go’aan uu gaaray masuul gaar ah ee waxaa qaba qof kasta oo Somaliland  ah, wiilashiina yar ee Yurub wax ku soo bartay ee Xamar joogow soo weydiiya dadka idinka weyn waxa Somaliland loo geystay,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hoos ka daawo