Villa Somalia oo war ka soo saartay safarka Farmaajo – Sidee loogu soo dhaweeyey Doxa?

Doha (Caasimada Online) – Villa Somalia ayaa war ka soo saartay safarka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah, sida lagu shaaciyey qoraalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

“Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee miro dhalka ah ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay safarka Madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda Booqashada Madaxweynuhu ay u  leedahay mustaqbalka iskaashiga labada dal, iyada oo Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah.