Daawo: Biixi oo weji cusub u yeelay xiisadda Laascaanood iyo ‘cidda ka dambeysa’

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad ka qabsoomtay Madaxtooyada ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in argagixisada ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Laascaanood, taasi oo dishay haldoorkii magaalada, si la iskaga horkeeno shacabka iyo dowladda Somaliland.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo oo caalamka iyo cid walba u sheego dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagixisada caalamiga ah. Dhalinyarada iyo dadka mudahaaradka wada uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan Jamhuuriyada Somaliland,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in argagixisada ay qorshe fog ka lahayd dilka haldoorkii gobolka iyo masuuliyiinta u shaqeynayay Somaliland, si loo wiiqo maamulka Somaliland.

“Argagixisada muddo ayay qorshahaas shaadh walba usoo gashatay oo qeyb walba oo bulshada ah waa kula matalaya. Waxa iyaga u faa’iido ah waxay doonayaan oo ah inay tooda oo qudha ku maamulaan hadba mushtamacaa fidnada ka dhex wadaan.”

Muuse Biixi ayaa argagixisada uu sheegay ku tilmaamay Khawaarij, wallow uusan carabaabin magaca kooxda ka dambeysa amni darada gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood.

Dhinaca kale, waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyay shirka madax-dhaqameedka uga socda magaalada Laascaanood, kaasi oo uu sheegay in uusan ka duwanaan doonin kuwa hore u dhacay oo looga hortagayo fidno

“Dowladda Somaliland oo maanta madaxdeeda ay halkaan fadhido waxaa diyaar u nahay dhibaato kasta oo jirta, waxkasta oo dowladda laga tirsanayo in si nabad ah oo loo siman yahay aynu kaga wada-hadalno, inaga oo mideysan aynu nabad xaalada kusoo celin.”

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in dowladda Somaliland ay kasoo horjeedo qofkasta oo balaayo iyo fidno ka dhex abuuraya bulshada, kana soo horjeeda nidaamka dowliga ah.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya, xilli uu magaalada Laascaanood ka socdo shirweynaha Aayo-ka-talinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, oo ay ku dhan yihiin Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaran arrinta magaalada Laascaanood.