Dowladda oo amar culus ku soo rogtay hay’adaha gar-gaarka una qabatay laba bil

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay go’aan ay ku fareyso hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta inay si dhakhso ah ugu soo guuraan gudaha dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda qorsheynta ayaa waxa lagu sheegay in hay’addahaas loo qabtay si ay u fuliyaan amarkaan muddo laga bilaabo 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023.

Go’aankan cusub ayay ku sheegtay wasaaraddu inay qaadatay ayada oo la tix-gelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kadib howl-galada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada.

“Wasaaradda Qorsheynta waxay heegan u tahay inay hay’adahaas ka caawiso, una fududeyso inay dalka usoo guuraan, iyadoo fulinyasa amarada Golaha Wasiirada ayay wasaarada qorsheyntu waxay tallaabooyinka ku haboon ka qaadi doontaa hay’adaha fulin waaya amarkan, si degdeg ahna dalka ugu soo guuri waaya.”

Sidoo kale waxay fartay hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta inay shirarkooda iyo tababaradooda ku qabsadaan gudaha dalka, si ay u taaba-galiyaan usoo guurista dalka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in soo guurista hay’addahaan uu muhiim u yahay dardar-gelinta holwaha xasilinta deegaanada dhawaan laga xoreeyay argagixisada.

“Dowladda federaala ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay dardar-galiso howlaha xasilinta deegaanada dhawaan laga xoreeyay argagixisada, sidaas darteed dowladda waxay dooneysaa inay si dhow ula shaqeyso hay’addaha gargaarka iyo kuw horumarinta. Waana sababta uu joogitaankooda gudaha dalka lama huraan ugu yahay tiigsiga yoolkaas.”