Daawo Muuse Biixi oo usoo jawaabay Xasan Sheekh

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo ay kala dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh aysan wixiisu dhaafsiisneyn hadal uun, isla markaana ay dhaqan gelin doonaan heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu doonayo in isaga loo soo maro heshiiskaas, uuna saxiixo, taasina aysan suuragal ahayn, sida uu ku dooday madaxweynaha Somaliland.

“Xasan horay ayaan ugu sheegay waxa aad la qaylineyo waxaa waaye aniga aan heshiiska saxiixo, taasina waxa ay ka dhigan tahay adiga oo lagu yiraahdo gurigaaga aniga yaa ku maamulaayo” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay heshiiska badda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadalka madaxweyne Xasan Sheekh uu arko calaacal uun, isla markaana uusan waxba ka beddeli karin heshiiska badda, sida uu hadalka u dhigay.

Laba halba iska iskaa (Horta calaacalka iska daa qof bani’aadmigaa calaacalka waa looga badan yahay, midda labaad waxaadan yeeli kareyn mar walbaha sheegin,  waxaad leedahay Somaliland baddeeda anaa xukuma ee halay soo maro, haddii aad xukunto halkan maa timaatid” ayuu ar kale yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Go’aankan iyo MOU-gan waanu filinayaa mar kale ayaan kuugu celinayaa”

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo ka hadlay dilkii Cabdinaasir Dahable loogu gaystay magaalada Muqdisho, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, sidoo kalena u shaqeynayay hay’adda duulista hawada Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa dilka ninkaas ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu sheegay in lagula xisaabtami doono falkaasi.

“Madaxweyne Xasan Waxaan ku leeyahay ninkii Soomaliland ee Xamar aad ku disheen godobteeda adeey ku agfadhidaa, uma qabno in ilmo yar yar iyo qaar kale ay ka timid, arrintan waxaa weeye anaa ku dilay anaa kuu gar qaadaya ana kuu go’aaminayo ” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay waji cusub yeelatay xiisadda badda, maadaama dowladda federaalka ay iyadana heshiis difaac lasoo gashay dowladda Turkiga.