Wiil dhallinyaro ah oo lagu afduubtay magaalada Muqdisho kadibna la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wiil dhalinyaro ah oo afduub iyo dil arxan darro ah xalay loogu gaystay magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax ayaa la sheegay in rag hubeysan ay ku afduubteen gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa degmada Heliwaa, waxayna geeyeen oo ay ugu dambeyn ku dileen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Maydka marxuumka ayaa saaka laga soo helay halkaasi, ayada oo arrintan ay fajac ku noqotatay ehellada marxuumka oo cadaalad dalbanaya.

Qaar kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan la aasi doonin marxuumka, illaa baaritaan lagu sameynayo kiiskiisa, lagana ogaanayo cidda dishay.

Allaha u naxariistee Marxuum Abuukar Kaabax ayaa ahaa nin dhallinyaro ah, aqoonyahan ah,  ganacsade ah isla markaana si wayn looga yaqaannay magaalada Muqdisho.

Geerida marxuumka ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, ayada oo dadkii yaqaanay ay si weyn uga argagaxeen dhibaatada loo gaystay marxuumka.

Dilkan waxaa ka horreeyay midkii loo gaystay Cabdinaasir Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka, kana soo jeeday Somaliland, isla markaana isaga oo mayd ah loona dilay si argagax leh laga dhex helay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.

Dilalka argagaxa leh ayaa haatan kusoo badanaya caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen dhacdooyin la yaab ku noqday guud ahaan dadka Soomaaliyeed.