28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Daawo: Muuse oo ka yaabsaday Wariyeyaasha Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ka yaabsaday Wariyeyaasha Muqdisho, kadib su’aallo xasaasi ah oo ay ka waydiiyeen kulankii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Senatorka ayaa marka ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalaha Wariyeyaasha oo la xiriira xaaladda adag ee ka taagan gudaha Baarlamaanka, gaar ahaan buuqa ka dhashay wax ka beddalka qodobo kamid ah Dastuurka KMG ka ah.

Muuse Suudi ayaa taas beddalkeeda Wariyeyaasha ugu baaqay inay usoo jeestaan guurka, isla markaana ay faa’iideystaan dhalinyaranimadooda.

“Waxaa arkaayay oo laugu yiri Wariyeyaasha gabdhaha iyo wiilasha ha’is guursadaano” ayu uku jawaabay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Baarlamaanka ayaa mar kale maanta waxaa ka dhacay fowdo sababtay inay dhaawacanto Xildhibaan Cadar Xareed oo la dhigay Isbitaalka, kadib waxyeelo kasoo gaartay lugta, taas oo ka dhalatay is riix-riixa golaha dhexdiisa.

Xildhibaannada kasoo horjeedo wax ka beddalka Dastuurka oo u badan kuwa Puntland iyo Jubaland ayaa buuqa wada, kuwaas ku doodaya in mudo dheeraad ah aan lagu dari karin Kalfadhiga Baarlamaanka, iyaga oo dalbaday in lasoo xiro si dastuuri ah, halka guddoonka sare uu sheegay in uu sii socon doono, lana sii wadayo howlaha, gaar ahaan doodda Dastuurka KMG ka ah.

“Baarlamaanka ma xirmi doono howshuna waa socon doontaa, laakiin waxaan rabnaa walaalaheyn inaan wada-hadalno waxa ay tabanayaana aan ka dhageysano”. ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulankii maanta, kadib markii lagu guuleysan waayo in uu furmo fowdo darteed.

Arrintan ayaa soo noq-noqotay, waxayna uga dareysaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama weli la’isku hayo hannaanka guud ee loo wajahayo doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel-gaarka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News