Muuse Suudi: Tallaabadii uu qaaday Saadaq waxay aheyd mid uu Alle waafajiyey + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa xildhibaan Saadaq Cumar Maxamed ku ammaanay tallaabadii uu kaga horyimid muddo kororsigii uu sameystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muuse Suudi ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay beesha Muduleed u qabatay beesha Habargidir si looga raali geliyo hadal gaf ahaa oo kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Cali Maxamed Geedi ayaa mar uu ka qeyb-galay doodda BBC xilligii dowladda Farmaajo ee sii dhammaaneysay, wuxuu ku yiri “Afar nin oo Dhuusomareeb ka yimid xoog kuma haysan karaan dowladda,” taasi loo arkay inuu ku weeraray beesha Habargidir.

“Saadaq Joon wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh, isagoo ka tirsanaa dowladdii Farmaajo oo weliba garaado ku tixan yihiin ayuu maalin cad ka hor yimid muddo kororsiga, waxay aheyd wax uu Allah waafajiyey iyo sharaf usoo hoyatay,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi ayaa sheegay in aysan hadda jirin wax ka maqan Saadaq Joon, taas badalkeedana uu hadda yahay xildhibaan sidoo kalana uu dib u helay garaadihiisa taasna ay tahay in looga mahadceliyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Saadaq waan is aragnay, wuxuu i waydiiyey ma iga filaneysay inaan go’aankaas qaadan doono, waxaan ugu jawaabay nin rag ah shar iyo kheyr waa laga fishaa, waxaa qaadatay go’aan saxan oo sharaf ku jirto,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi ayaa xusay inuu Saadaq ahaa furihii kacdoonkii Badbaado Qaran, taasina ay tahay mid mudan in looga mahad-celiyo.

Jeneraal Saadaq ayaa noqday sarkaalka kaliya ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ka hor yimid go’aankii uu baarlamaankii hore ee Soomaaliya ugu ogolaaday muddo kororsi 2 sano ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi.

Kacdoonkii uu bilaabay Saadaq Joon oo ay sidoo kalana qeyb ka ahaayeen midowgii musharixiinta mucaaradka ayaa keenay inuu fashilmo isku daygii Farmaajo, waxaana markii dambe Saadaq u suurtagashay inuu kamid noqdo baarlamaanka Soomaaliya halka Farmaajo looga adkaaday doorashada.