Kulankii Xasan Sheekh ee Pentagon-ka oo walaac ku abuuray Somaliland + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay tagista Xasan Sheekh Maxamuud ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee magaalada Washington.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu kala hadlay Pentagon-ka xiriirka uu Mareykanka la bilaabay maamulka Somaliland, xili uu ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi in wado kala qeybinta dadka gudaha.

“Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ahayd inuu shirka Qaramada Midoobay ka qayb-galo. Waxa uu la shiraya Wasaarada Gaashaandhiga ee Marayakanka si uu isu-hortaago xidhiidhka uu Maraykanku la bilaabay Somaliland ee Pentagon-ka ku hogaaminayso halka Muuse Bixi uu Ku hawlanyahay kala qaybinta dadka Somaliland,” ayuu Faysal Cali Waraabe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Marka laga yimaado hadalkaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhankiisa Lloyd Austin ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee arrimaha bini’aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Si kastaba, Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax banaan ayaa muddooyinkii dambe waxa gudaheeda ka taagna xiisad siyaaasadeed xoogan oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, ayada oo mucaaridka dagaal ku iclaamiyeen madaxweynaha talada haya.