Daawo: ITOOBIYA oo laga dalbaday inay soo gacan geliso Boqor Buurmadow

Hargeysa (Caasimada Online) – Ugaas Cabdirisaaq Goosaar Cali oo ka mid ah dhaqanka degaanada Somaliland ayaa si adag uga jawaabay eedeymihii cuslaa ee Boqor Cusmaan Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha Somaliland Musse Biixi Cabdi.

Ugaaska ayaa dowladda Itoobiya ka dalbaday inay Somaliland u soo gacan geliso Boqor Buurmadow, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Boqorka.

” Ninkaas qaranka Somaliland dembi weyn ayuu ka galay, xitaa ciidanka ayuu u balan qaaday in 500 oo dollar uu mushaarka uga dhigi doono, wax walba inta soo dhaafay ayuu amnigii iyo difaacii qaranka soo fara geliyey,” ayuu yiri Ugaas Goosaar.

Ugaaska ayaa ku taliyey in Boqor Buurmadow talaabo adag laga qaado, iyadoo loo marayo in Itoobiya ay u soo gacan geliso Somaliland.

“Si xun oo sharaf iyo karaamo aysan ku harin ayuu u hadlay Buurmadow, cimaamada iyo koofida uu wato ayaan raali gelin ka bixinayaa, safaaradda Itoobiya codsi ha u qorto dowladda Somaliland, si ninkaas loogu soo gacan geliyo Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal ayaa si xun u weeraray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaarsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Muuse Biixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro.

“Muuse waqtigii wuu ka dhamaaday oo Somaliland wey burburaysa, cid qaban kareysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa aysan jirin bal ka waran,” ayuu yiri Buurmadow.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Muuse waxaan isku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaa ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”

Hoos ka daawo hadalka Ugaaska.