DF oo shaacisay xogta howl-gal culus oo Muqdisho ka dhacay iyo shabakad la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamadda amniga dowladda Soomaaliya ayaa xiray 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo la wareegay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, gaadiid iyo hub gudaha magaalada Muqdisho,” ayaa lagu qoraalka.

Ciidamada ayaa hawlgalkaan ku burburiyay shabakad ka tirsan Al-Shabaab, taas oo abaabuli jirtay dilal iyo falal amniga lid ku ah, sida lagu cadeeyey bayaankaan.

Sidoo kale warka dowladda waxaa lagu sheegay in xubnaha lagu qabtay howlgalka ay isugu jiraan maleeshiyaad loo diyaariyay dilalka qorsheysan, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay hadii ay wax soo gaaraan maleeshiyadaan inay daaweeyaan iyo nin qaabilsanaa deegamaynta iyo u adeegidda kooxdaan.

“Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin habaabiyeen aragagixisadu inay ku soo laabtaan dadkooda, iskuna soo dhiibaan dowladda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankaan.