Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu AFWERKI usoo celin waayey ciidamada uu Soomaaliya u tababaray

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay shaaciyey sababta uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki usoo celin waayey ciidamada Soomaaliyeed ee dalkiisa uu tababaray.

“Sababta ciidamada Soomaaliya aan looga soo celin Eritrea waxa ay tahay in madaxweyne Isaias Afwerki uu diiday in dib loo celiyo sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jiray,” ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka hadlay kulan ay su’aalo ku weydiisay Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee (CSIS) ee Washington.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Eritrea ay ujeedooyin wanaagsan ka laheyd tababarka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dowladda Eritrea aysan tababarin oo kaliya 5,000 oo askari oo Soomaali ah, balse ay sidoo kale qalabeysay, sida uu hadalka u dhigay. 

Sanadihii ugu dambeeyey dowladda Farmaajo ayaa waxaa khilaaf iyo xiisad siyaasadeed ay u dhaxeysay madaxweynihii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo marar badan ka digay in ciidanka Eritrea joogay loo adeegsan karay in dalka lagu qabsado.

Haddii uu sax yahay hadalka Xasan Sheekh waxay u egtahay in Afwerki uu dhageystay qeylo dhaanta mucaaradkii dowladda Farmaajo.  

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay hadda ka shaqeyneyso hab ay ciidamadaas lagu tababaray Eritrea dib ugu soo celineyso dalkooda.

“Waxaan ka codsaday dowladda Mareykanka inay Soomaaliya ka caawiso sidii ciidamadaas loo soo celin lahaa, wayna soo laaban doonaan dhowaan, waxaana hubaa inay gacan ka gaysan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay wuxuu 9-kuu Jul socdaal ku tegay dalka Eritrea, isaga oo soo arkay xaaladda ciidamadaas, lana soo kulmay madaxweyne Afwerki oo uu kala hadlay sidii loo soo celin lahaa.