Dowladda MAREYKANKA oo hal mid ku ammaantay madaxweyne Xasan Sheekh

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa hal mid ku ammaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ay ku kulmeen xarunta wasaaradda difaaca ee Pentagon-ka.

Austin ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku ammaanay hoggaankiisa dib usoo nooleynta ciidamada amniga Soomaaliya iyo sida firfircoon ee uu ula macaamilo Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga ah. 

Austin iyo Xasan Sheekh ayaa ka wadahadlay shaqooyinka maamulka madaxweyne Xasan uu ka qabtay si looga hortago rabshadaha xagjirnimo ee Soomaaliya iyo taageerada Waaxda Difaaca Mareykanka ay siiso ciidamada Soomaaliya.

“Labada hoggaamiye waxay is-dhaafsadeen fikrado ku saabsan mustaqbalka amni ee Geeska Afrika xilli ay jiraan isbeddelo dhanka cimilada ah, arrimaha bani’aadannimada, dagaallo iyo halista rabshadaha xagjirnimo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Austin.

“Xoghaye Austin ayaa dib xaqiijiyay sida ay Waaxda uga go’an tahay ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay rabitaanka maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku martigelinayo ciidamada Mareykanka.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.