Sawirro: XASAN SHEEKH oo soo bandhigay qorshaha dhaqaalaha ee dowladda

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.  

Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka. 

“Soomaaliya waxay joogtesay xasilloonida dhaqaalaha guud iyo dardarta dib u habaynta dhaqaalaha inkasta oo ay jiraan caqabado. Waxaan si xooggan u taageereynnaa Soomaaliya oo ku socota inay gaarto barta dhamaystirka dayn cafinta, oo ay kor u qaaddo adkeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha,” ayey tiri Kristalina Georgieva. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.