Daawo: Muxuu Axmed Madoobe ka yiri xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday beesha caalamka oo wakiilka Qaramada Midoobey James Swan uu hoggaaminayey ayaa ka hadlay colaada ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waa caqabad weyn arrinta ka soo korortay Galmudug, ee Ahlu-Sunna iyo maamulka sharciga ah ee Galmudug, halkaas waxaa ka jira maamul sharciyad ku dhisan, caqabad kasta oo maanta lagu kiciyo xal ma noqoneyso, waxaan u soo jeedinayaa reer Galmudug inay joojiyaan gacan ka hadalka oo xal laga gaaro waxa la isku hayo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka uu kala hadlay qabsoomidda doorashada dalka, isagoo dalbaday in Ra’iisul wasaaraha looga dambeeyo howlaha socda ee doorashooyinka.

“Waxaan rajeyneynaa inaan dhameystirno Aqalka Sare si loo bilaabo doorashada Aqalka Hoose, laakiin waxa uu darenkeygu yahay in R/Wasaaraha loo daayo shaqadiisa oo golihii wadashatiga qarana uu wada shaqeeyo oo shirarkiisa ay uu joogto noqdaan, waa in xal laga gaaro waxyaabaha doorashada ku xeeran ee muhiimka ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Kulankii maanta ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo waxaa looga hadlayay dardar galinta howlaha doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare, taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Wafdiga maanta Kismaayo gaaray waxaa James Swan ku wehliyey, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, mas’uuliyiin kale oo ka socotay safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.