Daawo: Xildhibaan Canab oo shaacisay arrin ka dambeysa raafka ka socda Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Canab Xasan Cilmi oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka 10-aad ee Federaal-ka ayaa si adag uga hortimid howlgal lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda koonfurta oo Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Canab ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay mid Shirqool ah, oo indhaha bulshada Sooamaliyeed looga jeedinayo fashilka maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dad ajnabi ah ma ah oo waa dad Soomaaliyeed, caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaa jooga kontan kun oo Itoobiyaan ah, maxaa dadka Soomaaliyeed ka ceyrinaya waddankii oo Oromo iyo Itoobiyaana loogu ogolaanaya caasimadii, waa arrin nasiib darro ah oo mal-dahaysa dowladnimada is-bedeshay iyo dareenka umadda Soomaaliyeed,” ayey tiri Canab Xasan Cilmi.

“Arrintaas waa shirqool siyaasadeed, waxaa aad uga xunahay in la beegsado umad Soomaaliyeed oo maato ah oo waddankoodii uga cararay dhibaatadii ka socotay oo 30 sanno deganaa magaaladaas.”

Sidoo kale waxay carabka ku adkeysay in midnimada Soomaaliyeed ay taallo gobolka Sool, islamarkaana ay reer Sool ka xun yihiin arrinta uu ku kacay maamulka Somaliland, dal iyo dibedba.

“Waxaa ugu baaqayaa culimadda iyo cuqaasha halkaas jooga inay hantidooda u bad-baadiyaan dadka Soomaaliyeed, magac xumada iyo fadeexada nagu dhacday waa wax hore noogu dhacay waa in aan ka kacno oo ka dhiidhino.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay Somaliland billowday musaafurinta dadka u dhashay Koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay inay ula mid yihiin Ajaanibta dalalka kale, islamarkaana ka ay gebi ahaanba ka saari doonaan guud ahaan deegaanadooda.

Hoos ka daawo muuqaalka