Rooble oo war kasoo saaray raafka ka socda Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay ka hadlay masaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood, taasi oo lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyo Laascaanood, asaga oo sheegay inay tahay mid aad looga xumaado.

Waxaa uu ku baaqay in laga dhiidhiyo arrintaas, gaar ahaan dadweynaha reer Laascaanood ayaa faray inay ka hortaagan falkaasi, oo uu sheegay inay tahay mid ceeb ah, maadama dad Soomaaliyeed si qasab looga musaafurinayo dhul Soomaaliyeed.

Tallaabada ay qaaday Somaliland ayaa waxa si weyn uga horyimid Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka, oo arrintaas ku tilmaamay mid laga xumaado.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa oo asagna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka xun yahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, taasi oo uu ku sheegay mid ku cusub dhaqankeena suuban.

“Waxaan aad uga xumahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed waa wax ku cusub dhaqankeena suuban, mana ka turjumeyso ilbaxnimada iyo dhaqanka Dowliga ah,” ayuu yiri.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa shalay ilaa maanta Laascaanood ka waday howlgallo ka dhan ah dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyagoo isugu geeyey garoonka diyaaradaha, dibna loogu celiyay deegaanadii ay u dhasheen.

Somaliland waxay dadkaas ku eedeyneysaa inay ka dambeeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo loo geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka Somaliland, mana jiro cadeymo si dhab ah u muujinaya arrintaas.