Daawo: Dacwad ka dhan ah Somaliland ‘oo loo gudbinayo’ maxkamadda adduunka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Koofur Galbeed ayaa si adag uga hadlay musaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xildhibaan Idiris ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday xukuumadda Muuse Biixi ay tahay mid ugub ah oo meel ka dhac ah, isagoona sheegay in uu diyaarinayo in arrintaas dacwadeeda la geeyo maxkamadda caalamiga ah.

“Waa arrin dhaqan xumo xadgudub ah, dacwad ayaa qoreynaa maxkamadda adduunka ku dacwooneyna, aniga waxaa metala baarlamaanka Afrika, madaxda baarlamaanka Afrika iyo Midowga Afrika waa u dirayaa, waa nasiib darro in dad hantidooda la dhaco, la jirdilo oo la soo masaafuriyo,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris.

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanka dadkaas lagu masaafurinayay uu bixiyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayada oo uu fuliyay Taliyaha qeybta gobolka Sool, oo ku eedeyay in lagula xisaabtami doono tacadiyada ka dhanka ah dadkaas.

“Waa nasiib darro, waa arrin qalad ah oo aheyd in ay ka hadlaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waana dadka Koonfurta Soomaaliya oo dhan ma aha arrintaan waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.”

“Waa arrin aan laga fileyn Soomaali oo weligeed ka dhicin, Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe abti baa loo yahay waa soo dhaweyn ayaga oo qaxooti ah ayey no-yimaadeen, oo meesha ayey ka guursadeen waxay aheyd in dadkaana sidaas u soo dhaweeyan.”

Arrintan ayaa imaneysa xili ay sare u kacday xiisada ka dhalatay masaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood, kaasi oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo jeeda Koonfurta oo muddo badan deganaa magaaladaas.

Hoos ka daawo Muuqaalka