Dowladda Mareykanka oo dalbatay in hay’adaha amniga DF madax looga dhigo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in deg deg loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ee salka ku haya hoggaanka hay’adaha amniga.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu dalbaday in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal xushmad ku dhex leh bulshada.

“Waa muhiim in Farmaajo iyo Rooble ay xaliyaan khilaafyadooda, xaqiijiyaan in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal karti iyo xushmad leh, ayna diiradda saaraan soo gabe-gebeynta doorashooyinkoa Soomaaliya ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii ay socdeen wada-hadalladii Farmaajo, wuxuu dalbaday in NISA madax looga dhigo qof sumcad iyo xushmad ku dhex leh bulshada, kadib markii isaga iyo Farmaajo isla ogolaadeen in meesha laga saaro labada agaasime ee ay kala magacaabeen.

Si kastaba, Farmaajo ayaa ku adkeystay in shaqsiyaad ka tirsan hay’adda ama xubno isaga ku dhow oo daacad u ah loo dhiibo agaasinka hay’adda, waxaana shaqsiyaadkaas ka mid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Qoraalka Mareykanka kasoo baxay maanta ayaa u muuqda mid si dadban u taageeraya mowqifka ra’iisul wasaaraha ee ah in NISA madax looga dhigo qof sumcad ku dhex leh bulshada, wuxuuna imanaya maalin kadib markii beesha caalamka ay soo saartay qoraal kan la mid ah.

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”