Sawirro: Sidee Rooble loogu soo dhoweeyey Baraawe?

Baraawe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga diorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo dadweyne.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga hadlayay xaqiijinta amniga doorashooyinka la yeeshay saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo taliska ciidanka Amisom qeybta fegmada Baraawe. 

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardar gelinta amniga guud ee Baraawe iyo howlgallada la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah xarumaha adeegyada bulshada ee Baraawe.