Daawo: Muxuu Faysal Cali Waraabe ka yiri lacagtii uu soo fasaxay R/W Rooble?

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey lacagtii ay Dowladda Soomaaliya u fasaxday ayaa sheegay inay aheyd lacag ay Somaliland laheyd, oo loo soo celiyey.

Faysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahad-celiyey soo deynta lacagtaas.

“Anigu dhihi mayo dowlada Soomaaliya ee waxaan leeyahay dowlada Muqdisho, dowlad Soomaaliyeed oo jirtaa ma jirto, waa iska indho sircaade, Lacagtan Muqdisho ay soo daysay, lacagtani waxa weeyi lacag aynu inagu lahayn,” ayuu yiri Faysal.

Faysal ayaa sheegay in shirkii Istanbul ay ku yeesheen xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya, sannadkii 2013 lagu heshiiyay in wixii deeq ah Somaliland si gaar ah loo siiyo, iyo in aan la siyaasadayn maalgashiga.

Dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyey inay ka baxday heshiiskaas isla markaasna ay xayiraad saartay lacagihii loogu talagalay horumarinta Somaliland.

“Nasiib daro markay dowladani timid Farmaajo ayaa inaga horjoogsaday, laakinse wuu mahadsanyahay Ra’isul Wasaare Rooble, lacagteeni ayuu inoo soo daayay, waana waxaynii oo waajibku mahadnaq malaha, qaar kalena way inaga xaniban yihiine, Rooblow waxaanu kaa codsanaynaa kuwa kalena in aad soo dayso,” ayuu yidhi Faysal.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabd, ayaa hadal uu madaxtooyada Somaliland ka jeediyay xafladii sannad guurada 26 Juun ku sheegay in lacag ka badan 60 milyan oo dollar ay Somaliland kaga xanibantahay qasnada dowlada Soomaaliya, lacagtan oo caalamku ugu talo galalay horumarinta Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talagalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.