Beesha Habar-gidir oo shir deg deg ah isugu yeertay beelaha Hawiye + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweyne wada-tashi ah oo maalmihii dambe ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen qeybaha kala duwan ee beesha Habar-gidir iyo hogaankooda ayaa waxaa maanta laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan xaalada dalka.

Golaha Hogaaminta Habar-gidir ayaa ku baaqay in shir deg deg isugu yimaadeen beelaha Hawiye, kaasi oo looga tashanayo xaalada amni iyo midda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale waxaa war-murtiyeedka Golaha lagu taageeray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble sida habsami leh ee arrimaha doorashooyinka ku wadaan, ayada oo meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo carqaladeynaysa shaqada ay wado xukuumadda.

“Golaha Hogaaminta Habar-Gidir wuxuu uga digaya madaxda muddo xileedkeedu dhamaaday ku tumashada sharciga & dastuurka dalka, iyo weliba is hortaaga doorashada. Goluhu wuxuu cadeynaya in arrinkaasa dadku aqbali doonin ayna mas’uuliyadeeda qaadi doonaan kuwa doorasho diidka ah,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

Golaha ayaa sidoo kale ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan uga digay inay ku milmaan siyaasadda dalka, islamarkaana u adeegan madaxda muddo xileedkeedu dhamaaday oo dano gaar ah leh.

Waxay ka dalbadeen Beesha Caalamka inay cuna-qabateen kusoo rogaan kuwa hortaagan doorashooyinka dalka, iyaga oo ku bogaadiyay saaxiibada Soomaaliya taageerada balaadhan ee la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina wuxuu Golaha sheegay in uu xanuunka iyo dhibaatada la qeybsanayo dadkii hantidooda ku burburtay dabkii qabsaday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxayna umadda Soomaaliyeed usoo jeediyeen ka qeyb qaadashada gurmadka dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay masiibadaas.