Xubno ka mid ah guddiga doorashada oo dalbaday in la fasaxo kuraasta la xayiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray qoraal ay ku fasaxayaan afar kursi oo natiijadii doorashadooda horay loo diiday, kuwaas oo uu ku jiro kursiga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Xubnaha warqadaan ku saxiixan oo gaaraya ugu yaraan 12 qof oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa fariintooda ku socodsiiyey labada xoghaye ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, iyagoo ku wargeliyey in feylasha xubnahaas ay u soo gudbi doonaan.

Kuraasta ay xubnahaan fasaxeen ayaa kala ah, HOP103, HOP154 iyo HOP204, oo Koonfur Galbeed laga soo doortay iyo HOP086 oo HirShabeelle laga soo doortay, isla markaana uu ku fadhiyo Fahad Yaasiin.

Xubnaha ka tirsan guddiga ee qoraalkaan soo saaray waxay sheegeen in maanta ay isugu yimaadeen kulan ay isaga wareysteen kuraastaan, isla markaana ay soo xaqiijiyeen in aysan jirin wax dacwo ah oo ka furan guddiga xalinta khilaafaadka ama loo gudbiyey madasha wadatashiga qaran.

Bayaanka ay soo saareen xubnahaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta ay soo baxeen warar sheegaya in isla xubnaha warqadaan ku saxiixan qaarkood ay xarunta guddiga fowdo ka sameeyeen, iyagoo ku doodaya in kuraastaan loo fasaxo ama xitaa uu guddoomiyuhu qaabilo, balse waxaa dalabkoodii ku gacan seyray guddoomiye Muuse Geelle.

Ugu dambeyntii xubnaha caawa soo saaray warqadaan, sababta ay u qaadeen tallaabooyinkaas waxay ku sheegeen inay ku dhalatay, kadib markii ay dib u eegeen xaalada guud ee dalka, isla markaana ay dareemeen in baahi badan loo qabo doorasho ku dhacda jawi nabdoon iyo isla ogol.

Hoos ka eeg liiska xubnaha ku saxiixan warqadaan