Aabe Soomaaliyeed iyo gabdhihiisa mataanaha ah oo shil baabuur ku dhintay

Gaarisa (Caasimada Online) – Shil Axadii ka dhacay wadada isku xirta Gaarisa iyo Mombasa ee dalka Kenya ayaa si weyn uga nixiyay dadweynaha, kadib markii ay ku dhinteen nin iyo laba gabdhood uu dhalay oo mataano ah.

Axmed Amiin Cantar ayaa labadiisa gabdhood ee Najmo iyo Naciimo oo mataano ah waxa uu ka soo qaaday dugsiga sare ee Sheekh Khaliifa ee Mombasa, halkaas oo looga qaaday imtixaan ay u galeen fasalka koobaad ee dugsiga sare.

Labada gabdhood ayaa kamid ahaa ardayda natiijada dugsiga dhexe helay todobaadkii hore, waxaana ay ku safrayeen gaari uu aabahood u waday.

Najmo ayaa imtixaanka ka heshay natiijo ah 399, halka Naciimo ay keentay 401. Ardayda ugu horreeyay Kenya ayaa helay 428.

Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Boji ee ka tirsan Hola, kadib markii uu gaarigooda ka hor yimid mid xamuul ah, halkaasna ay ku naf waayeen Axmed iyo labadiisa gabdhood, sida uu sheegay taliyaha booliska ee Tana River, Patrick Kafulo.

Axmed ayaa ahaa agaasimaha gobolka waqooyi bari u qaabilsan hay’adda tayo dhawrka Kenya ee KEBS.

Axmed iyo labadiisa gabdhood ayaa saaka lagu aasay xabaalaha Tawakal ee magaalada Gaarisa. Dadkii yaqaanay waxa ay ku tilmaameen nin danyarta u wanaagsan oo cibaado badan.

Wadooyinka Kenya ayaa lagu tilmaamay “malag socda” kadib markii dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen.

Baaritaan ay dhawaan samaysay qeybta dabagalka BBC ee Africa Eye ayaa lagu odaagay in waaxda qaabilsan badqabka waddooyinka uu ka jiro musuq maasuq baahsan, isla markaana uu qofka heli karo laysanka darawalnimada xitaa isagoo aan gaari kaxeyn aqoon.

Sidoo kale, baaritaanka BBC ayaa lagu ogaaday in wadooyinka Kenya ay adeegsadaan gawaari duug ah oo aan mudnayn in la wado.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay baarayso eedeymaha musuq maasuqa ee loo jeediyay shaqaalaha waaxda gaadiidka ee dalkeeda.

Isha: BBC