ROOBLE oo eryey xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray amar ku saabsan doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa xubinnimadii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada heer federal (FEIT) oo lagu eedeeyey fowdo, wuxuuna soo saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka dalka.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda  iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan  u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray

1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir
2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf

Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah:

1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4. Axmed Aadan Dagaal
5. Sacdiyo Xasan Xuseen

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan  Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan  falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga  qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in baaris deg deg ah lagu sameeyo  isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddiga FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddigu wado, waana in taliyuhu mas’uuliyad  gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka. 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta  xildhibaannada Labada Aqal. 

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan  sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo mareysa heer gebogebo ah.

Dhammaad