Daawo: Muxuu Jabriil Ibrahim Cabdulle ka yiri xilka loo magacaabay iyo qorshihiisa?

Nairob (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo uu dhawaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya,u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilkaas culus ee loo dhiibay.

Danjiraha cusub ayaa marka hore u mahadceliyay madaxweyne Xasan, maadaama uu igmaday shaqo qaran oo weyn, isaga oo ballan qaaday inuu gudan waajibaadkiisa.

Jabriil Ibraahim ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo soo hadal qaaday mad-madowgii soo kala dhexgalay 5 sano ee lasoo dhaafay.

“Muhiimadda ugu weyn waxaa waayay xiriirka labada dal wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo 5-tii sanno ay u dambeysay uu iska xumaa, sabab badan oo aad la socotaan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu siiyay awood dheeraad ah, taas oo uu ku macneeyay igmasho aan caadi aheyn oo aysan helin safiiradii isaga ka horreeyay.

Danjiraha cusub ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada waddan oo hadda meel wanaagsan jooga, uuna sii hormarin doono.

“Aniga waxaa layga rabaa inaan isku toltolo, waxaan aad ugu mahad-celinayaa madaxweynaha oo toos madaxweynaha kale ugala hadlay mas’uuliyaddan, igmasho aan caadi ahayn siiyay oo dhahay awoodeyda uu haystaa oo 100% in howlaha looga baahan yahay qabto” ayuu mar kale yiri safiirka cusub ee dowladda Soomaaliye ee dalka Kenya.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa muuqda in xiriirka labada dal uu hadda Speed ku socdo anne waxaa la’ii yiri dhinacyada ka gal baasha haynteeda iyo shaqeynteeda”.

Magacaabistan ayaa imaaneysa, kadib markii Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya ee uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah.

Si kastaba, Jabiriil ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya, sidoo kale waxa uu horay isugu soo sharraxay xilka madaxtinimo ee dalka.