Daawo: Muxuu ROOBLE ka yiri doorashada guddoonka labada aqal ee barlamanka?

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ayaa isaga oo la hadlayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Rooble ayaa soo hadal qaaday doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu wado in maanta iyo beri ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo ka sheekeeyey marxaladaha kala duwan ee ay soo martay doorashada guddoonka labada Gole ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha imaan doono looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka KMG ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in xubnaha imaan doono laga rabo in uusan ku adeegan madaxweyne, balse ay tahay inay gartaan waajibaadka shaqo ee hor yaalla.

“Runta ayaa idin sheegayaa haddii guddoomiyeyaashaas noqdaan dad sax ah oo xaqa ku taagan oo sharciga ilaalinaaya oo aysan hadhow madaxweynaha meeshuu u leexiyo ama hantida lasoo dhacay wax laga siinaayo oo ay la leexdaan dalka horumar gaari maayo,”

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan guddoonka cusub, ayna u duceeyaan, si uu Alle dalka uga bad-baadiyo marxaladda uu ku jiro.

“Waxaan la rabaa guddoomiyaha la dooran doono in loo duceeyo kii yimaadana Ilaahey looga baryo inuu xaqa maro,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta lagu wado in la doorto guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa, halka beri la qabanayo tan guddoonka Golaha Shacabka.