Daawo: Muxuu salka ku hayaa weerarkii maanta ka dhacay iskuulka Hoyga Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhinacyadii ay dhex martay shaqaadadii maanta ka dhacday iskuulka Hoyga Xamar, qeybtiisa xanaanada carruurta ee degmada Hodan oo ku taalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay reerka degan guri ku dhegan iskuulka oo ka cabanaya maamulka iskuulka Hoyga Xamar oo ay sheegeen inuu wado dhul balaarsi, iyagoo ku eedeeyey in guddoomiyaha iskuulkaas uu ardayda u adeegsaday weerar lagu soo qaaday gurigooda.

Labo nin oo gudaha gurigaas warbaahinta kula hadlay waxay sheegeen in dhulkaan ay ka iibsadeen wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Aadan Cadde, isla markaana ay u heystaan sharciyad buuxda, iyagoo meesha ka saaray inuu yahay dhul dowladeed.

Hase yeeshee waxaa eedeyn taas ka duwan soo saaray Guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud ayaa la hadlay warbaahinta, isagoo ka warbixiyey shaqaaqadii maanta ka dhacday dugsigaas, wuxuuna baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa galabta tegay xarunta dugsiga Hoyga Xamar, waxaana la sheegay inuu kala ceyriyay kooxdii soo weerartay iskuulka.

Guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay inay maanta soo weerareen ciidan uu ku eedeeyey inay soo adeegsadeen ganacsato dooneysa in dhulka iskuulkaas ay xoog ku dhistaan.

Cabdiraxmaan Yuusuf oo ah guddoomiyaha Hoyga Xamar ayaa yiri, “Waxay maalmahaan keeneen ciidan, carro iyo dhagax, waxay isku diyaariyeen inay dhisme ku bilaabaan, laakiin waxaan u sheegayaa dhulkaan inuu yahay danguud oo uusan qaadmeyn.”

Wuxuu sheegay in marar badan uu iska diiday lacago loo keenay si dhulkaan uu u baneeyo kadibna loo boobo, balse taas uu iska diiday, isagoo fariin u diray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Mudane madaxweyne dhulkaan waa taqaanaa, waxaan isla nahay bahda waxbarashada, shalay dhulkaan waa la burburiyey, maantana waxaa loo soo jeestay in toos loo dhaco oo la dhisto, madaxweynihii hore waxaba waa ka qaba waayey ee arrintaan deg deg u soo faro geli,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud.

Hoos ka daawo labo warbixin oo laga diyey dhinacyada is heysta