Senatorada Aqalka Sare ma noqon karaan WASIIR – Sharaxaad SHARCI ah

Qodobka 55aad. Farqiadiisa 1aad, xarafka (a,b) waxaa uu leeyahay: Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka (1) Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay: JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA (a) Golaha Shacabka , iyo (b) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka 

Sharaxaad:

Qodobkaan iyo qodobo kale oo badanba waxaa laga fahmin marka uu Dastuurku leeyahay Baarlamaan inuu ka kooban yahay labo Aqal: Aqalka Sare iyo Golaha Shacbiga.

Qodobka 112aad. Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada Aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. 

Sharaxaad:

Sida ku cad qodobkaan, waxaa cad in labada Golaba ay ka dhaxayso shaqooyin badan oo ah wada shaqayn (Check and Balance) oo Gole markii uu shaqo qabto kan kale u gayn.  

Qodobka 61aad. Xilka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka (1) Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka marka ay xilkeeda gudaneyso waa in ay ku shaqaysaa sida ay danta qaranku ku jirto.  

Sharaxaad:

Waxaa is waydiin mudan maxaa ay ku jirtaa danta qaranku? Sida uu cadaynayo qodobkaan waxaa danta Qaranku ku jirtaa saraynta sharciga, iyo inaan la baal marin Dastuurka. Waxaa looga fadhiyaa labada Golaba inay hurmuud u noqdaan saraynta sharciga oo  aana la baal marin Dastuurka iyo sharuucda kale ee Wadanka u yaal.  

Qodobka 59aad. Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka (1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa: 

(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn

Sharaxaad:

Waxaa ku cad Qodobka 59aad xarafka (e) in  Baarlamaanka oo ka kooban labo Gole oo mid walba noqonkaro Golaha Wasiirada oo ayna shaqo kale ayna qaban Karin.  

Qodobka 56aad. Xilgudashada Baarlamaanka Federaalka Golayaasha Baarlamaanka Federaalku: (a) Xilalka ay wadaagaan waa inay u gutaan si wadajir ah  

Sharaxaad:

Waxaa ku cad Qodobka 56aad, (a) in ay Dastuurka ilaalin awooda Gole walba leeyahay oo si siman loo wada guto. Golana uuna qaadan mudnaan gaara. Hadii Golaha Wasiirada la ga qaato hal Gole waxaa cad in la baalmaray Federalism ka si simana aana ayna u gudan labada Gole waajibaadkooda. 

Qodobka 97aad, Golaha Wasiirada, firqada (3aad) Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. Golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacabkaba.

Sharaxaad:

Sida ku cad qodobkaan, waxaa Golaha wasiiradu ka imankaraan Golaha Shacabka iyo xubinkasta oo aana ka mid ahayn oo ay ku jiraan Aqalka Sare oo ana jirin sharci ka reebin. 

ISKA HOR IMAAD SHARCI 

Qodobka 98aad. Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada

(3) Xubnaha Golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban: (a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka 

Sharaxaad:

Qodobkaan waxaa uu kor imaan qodobada aan kor kusoo xusnay oo ay ugu mudan yihiin, Qodobada 55aad. Firqada (1aad), qodobka 59aad, firqada 1aad, xarafka (e), qodobka 97aad, firqada 3aad iyo qodobo kale oo badan.  

Waxaa xusid mudan iyo faahfaahin  in Transitional Federal Charter ee Imbigati, Kenya, Qodobkiisa 47aad, firqadiisa 1aad, xarafka (b) uu leeyahay waxaa kaliya oo ka mid noqon kara Wasiirada Golaha Shacbiga oo xiligaas ma talayay Baarlamaanks Soomaaliya. Waxaa cad in qodobkaas oo ka hor iman Dastuurka kumeel gaarka  oo macnihiisu yahay waxaa kaliya oo wasiir noqonkara Golaha Shacbiga diidina in dibada laga keeno wasiir uuna la jaan qaadi Karin Dastuurka Ku Meelgaarkaa.  

Talo soo jeedin: Sidee loo xalin karaa hadii uu yimaado iska hor-imaad dastuuri ah?

Qodobka 81aad. firqadiisa(3aa) waxaa uu leeyahay,  Haddii labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci, mid kasta oo ka mid ah labada Gole ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka.  

SHARAXAAD: 

Maadaama uu yimid khilaaf Dastuuri ah, waxaa loo baahan yahay in loo saaro gudi isku dhaf ah oo kasoo baaraan dega khilaafka labada Aqal. Gudigaas oo kasoo talo bixin waxii la yeeli lahaa. Waxaa kaloo xusid mudan inayna jirin Maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta hay’adaha Dowlada. 

W/Q: SENATOR FARHAN ALI HUSSEIN, Ph.D.