Daawo: Odawaa oo heegan buuxa geliyey ciidanka xoogga

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa amray in ciidanku galo heegan buuxa, isagoo sheegay in ciidanka aan laga ogolaan karin in uu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah, isla markaana ay howsha qaran u guda doonaan hanaankii ay ugu dhaarteen.

Taliyaha ayaa xubin kasta oo ka tirsan xoogga dalka kula dardaarmay inay ka fikiraan mas’uuliyadda saaran, isagoo amray ciidanka inay galaan heegan buuxa.

“Waxaan farayaa ciidanka xoogga dalka deegaan iyo meel kasta oo uu joogo in la galo heegan buuxa oo dhameystirsan, iyadoo lagu sugnaanayo goobaha iyo xeryaha ciidanka,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Taliyaha oo sii hadalayey ayaa ciidanka faray inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybi kara, “Ka digtoonaada inaad loomisaan kalsoonida bulshadu inku qabto, taasi waxay noo suurta geleyneysaa wixii aan u dhaaranay inaan fulino,” ayuu yiri Taliyaha Militeriga Soomaaliya.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay madal la isugu keenay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo dejinaya nidaam ciidanka qaranka looga badbaadi karo inay ku milmaan siyaasadda.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli ciidankii badbaado qaran oo u badan militeri aan ka amar qaadan Odawaa ay gudaha u soo galeen caasimada Muqdisho, iyagoo ku goodiyey in Farmaajo ay soo qaba doonaan.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: