Shariif oo war kasoo saaray go’aankii Jeneraal Odawaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray hadalkii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusf Raage oo ciidamada ku amray in siyaasadda aysan ku milmin oo ay ka dhabeeyaan dhaartoodii difaaca qaranka iyo la dagaalanka argagixisada.

Sheekh Shariif oo soo dhaweeyey hadalkaas ayaa Taliyaha ku bogaadiyey go’aanka uu qaatay oo mar hore ay ugu baaqeen, sida uu sheegay Madaxweyne Shariif.

Waxa uu sheegay in mar hore ay ciidanka uga digeen in faraha aysan la soo gelin siyaasadda, balse ay hadda soo dhaweynayaan in taas uu gartay Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Jeneraal Odawaa.

“Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada, waa hadal sharciga waafaqsan kana mid ah baaqyadii aan jeedinay, Ciidanka waa in ay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadasha amarrada qaldan,” ayuu Sheekh Shariif ku yiri qoraal uu soo saaray.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf oo ciidanka uga digay inay siyaasadda ku milmaan ayaa cadeeyey in hal askari aysan ka ogolaa doonin inuu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah.

Sidoo kale Taliyaha oo ciidanka amray inay galaan heegan buuxa ayaa yiri, “Waxaan farayaa ciidanka xoogga dalka, degmo ama deegaan iyo meel kasta oo uu joogo in la galo heegan buuxa oo dhameystirsan, iyadoo lagu sugnaanayo goobaha iyo xeryaha ciidanka,” ayuu Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay madal la isugu keenay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo dejinaya nidaam ciidanka qaranka looga badbaadi karo inay ku milmaan siyaasadda.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli ciidankii badbaado qaran oo u badan militeri aan ka amar qaadan Odawaa ay gudaha u soo galeen caasimada Muqdisho, iyagoo ku goodiyey in Madaxweynihii hore Farmaajo ay soo qaba doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: