Qorshaha safarka Xamza uu ku tegay dalka Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira, caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.

Xamza ayaa ka qayb-galaya shir aan caadi ahayn oo ka dhacaya Qaahira, kaas oo ay berri yeelanayaan madaxda Ururka Jaamacadda Carabta, oo fadhigoodu yahay magaaladaasi.

Shirkan, oo ah mid xasaasi ah, ayaa waxaa looga hadlayaa qaddiyadda Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska Gaza iyo sidii loo caawin lahaa shacabka reer Falastiin, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ka qayb-galayaa shir aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan madaxda Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayo sidii dib loogu dhisi lahaa Gaza, loona caawin lahaa reer Falastiin,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka hadli doono mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda shacabka Falastiin, isaga oo la filayo inuu mar kale ku celiyo in dowladda Soomaaliyeed ay si adag u diiday hadalladii dhowaan kasoo yeeray Israa’iil ee ahaa in la barakiciyo shacabka Falastiin.

“Waa xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda iyo axdiyada caalamiga ah, kuwa xuquuqda aadanaha, isla markaana khal-khal gelin kara amniga guud iyo nabadda gobolka iyo tan caalamka,” ayuu mar kale yiri Farxaan Maxamed Jimcaale.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doono sidii xal loogu heli lahaa xasaradaha ka taagan waddamada Carabta, sida Sudan iyo Syria, oo dhowaan isbeddel uu ka dhacay.

Shirkan beri furmayo ayaa kusoo aadaya xilli muhiim u ah Soomaaliya, maadaama dowladda federaalka ay xubin ka tahay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaana door firfircoon ay ka ciyaareysaa masraxyada caalamiga ah, hadii ay noqon lahayd dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.