Mucaaradka Lafta-Gareen oo dib isugu abaabulay Xamar kadibna bilaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib isku abaabulay, iyagoo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Laftagareen.

Kulan xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid inta badan xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah xildhibaannada labada gole ee laga soo doorto deegaannada maamulkaasi, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha soo kordhay.

Waxaa shirkan sidoo kale kasoo muuqday musharraxiinta ku bahoobay Madasha Maanshiil, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah, sida madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo mas’uuliyiin kale.

Inta badan xubnaha ka qayb-galay shirka ayaa diiradda saaray xaaladda sii cakirmeysay ee maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka horyimaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Laftagareen.

Ugu horreyn, warsaxaafadeed ay soo saareen mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay indhaha ka qabsatay xaaladda ka taagan maamulka, iyo falal gurracan oo ay sheegeen in madaxweynaha maamulkaasi uu kula dhaqaaqay shacabka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale nasiib darro weyn ku tilmaamay in Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed uu sii shaqeeyo, iyada oo uu ka dhammaaday muddo xileedkii, isla markaana uu ku hawlan yahay doorasho cusub.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu diiday dhammaan tallaabooyinka uu qaatay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo sheegay inay baal marsan yihiin shuruucda dalka.

Sidoo kale, xubnahan ayaa ku ballamay shirar kale oo ballaaran, kuwaas oo ay kasoo qaybgali doonaan dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, si looga arrinsado xaaladda adag ee ka taagan deegaannada maamulkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay mar kale wajahayso xaalad siyaasadeed oo cakiran, taasoo la xiriirta doorashada maamulkaasi oo ay isku hayaan madaxweynaha hadda talada haya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo jeeda maamulkaasi.