Daawo: Qoyskii uu ka geeriyooday Weriye Koonaa oo la siiyey lacag dhan $12,000

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu duceynayey Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe, dhamaadkii bishii October ee sanadkii hore.

Kulankaan ayaa lacag ka badan 12,000 oo dollar lagu gaarsiiyey qoyska Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo aad looga jeclaa shaqada saxaafadda Soomaaliya.

Bahda warbaahinta, gaar ahaan weriyaal is xilqaamay ayaa uruurinta lacagtaan soo bilaabay markii uu geeriyooday Weriye Koonaa, waxaana maanta u suurta gashay inay qoyskiisa ku wareejiyaan in ka badan 12,000 oo dollar.

Munaasabad ay ka soo qeyb-galeen bahda warbaahinta Muqdisho, masuuliyiin iyo qoyska AUN Weriye Koonaa oo lagu qabtay beerta Nabadda ayaa lagu wareejiyey lacagtaan.

Waxaa halkaas lagu akhriyey Qur’aan, waxaana loo duceeyey marxuumka, iyo wiil saqiir ah oo ifka uu kaga tegay, Mahanad Maxamed Ciise Koonaa ayaa ka nool reerka aabihiis oo siyaabo kala duwan loo dilay, intii uu dalka qalalaasuhu ka jiray.

Agaasimayaal ka socday bahda warbaahinta dalka oo kulankaas ka hadlay ayaa bogaadiyey sida ay isu-garab istaagaan weriyaasha Soomaaliyeed, markii ay midkood xaaladi soo wajahdo ama uu geeriyoodo.

“Hadii sidaan oo kale qeyb kasta oo isku xirfad ah ay isugu gurmato, Soomaalidu mar hore ayey guuleysan laheyd, waxaana ku talinayaa in saxafiyiinta Soomaaliyeed lagu Dando,” ayuu yiri Ex Weriye, Xildhibaan Nuuradiin Colujoog oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay kulankaan ducada ah.

Hoos ka daawo