Daawo: Bahda Waxbarashada oo si adag uga hor-timid taxane ka bilowday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Bahda Waxbarashada ee gobolka Banaadir ayaa si adag uga horyimid taxane cusub oo lagu magacaabo ARDAY, kaasi oo telefishanka Bile uu baahintiisa bilaabay saddex maalmood kahor.

Taxanahan oo lagu duubay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxay bahda waxbarashada ee gobolka Banaadir ay ku sababeeyen diidmadooda in film-kan uu gudbinayo anshax xumo ka dhan ah magaca uu wato ee “ARDAY”.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen bahda waxbarashada ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku sheegeen inay go’aankan ku mideysan yihiin “bahda waxbarashada, culuma’udiinka, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada, ganacsatada iyo waalidiinta.”

Waxay sheegeen in film-kan cusub uu duullaan ku yahay waxbarashada dalka, Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed, “Waxaa soo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga hortago khatarta ka dhalan karta anshax xumada film-kaan.”

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu cambaareeyay in taxanahan si ula kac ah loogu soo aadiyay waqtiga imtixaanaadka, iyaga oo ugu baaqay shirkada duubtay film-kan inay raali-gelin ka bixiso, islamarkaana ay joojiyaan baahintiisa.

“Waqtiga imtixaanaadka ayaa si kas ah ugu soo aadiyeen, si ay ardeyda uga mashquulaan waxbarashada. Arrintan waxay keeni karta inay sare u kacdo tirada ardeyda ee ku dhaca imtixaanka iskuuladda.”

“Film-ka Arday waa duulaan lagu soo qaaday Waxbarashada dalka iyo Diinta Islaamka hadii aysan dowladu joojin waxaan si kumeel-gaar ah u joojin doona waxbarashada,“ ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Marka laga imaado eedeynta iyo diidmada ay taxanahaan kala horyimaadeen bahda waxbarashada, maamulka telefishanka Bile iyo howl-wadeenada kale ee ka shaqeeyay soo saarista film-kan ayaa sheegay in taxanaha cusub uu gudbinayo waaqica ka jira gudaha Soomaaliya.

Waxay ku doodeen in taxanahaan lagu magacaabo ARDAY uu banaanka keenayo dhibaatooyinka ka dhex dhaca marxalada Ardeydnimo ee Soomaaliyeed, islamarkaana uu qeyb ka yahay wacyi-gelinta iyo soo bandhigista waaqica dalka ka jira qaab sheeko-faneed.

Si kastaba, Taxanahan oo Khamiistii si rasmi ah loo bilaabay baahintiisa, ayaa waxaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, oo ayadu sida muuqata noqon doonta marjaca u dambeeya ee doodda uu film-kan ka dhex dhaliyay bahda waxbarashada iyo shirkada soo saartay.

Hoos ka daawo