Daawo: Xamsa oo toos ula hadlaya hoggaamiyayaasha DAGAALKA Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta si toos ah khadka taleefanka kula hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta hoggaaminaysa kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka, kuwaas oo ku kala sugan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ku sugan jiida hore ee bariga Galgaduud, guddoomiyaha degmada Baxdo, Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ku sugan Hiiraan iyo mid ka mid ah hoggaamiyaasha ciidanka deegaanka ee ka howlgala Hiiraan ayuu si toos ah ula xariiray R/Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa masuuliyiintii uu la hadlay ka wareystay xaaladda deegaanada ay dagaalka uga jiraan, isagoo ku dhiira geliyey howsha ay wadaan, isagoo xildhibaanada kale ugu baaqay inay dib ugu laabtaan deegaanadii laga soo doortay oo cadowga ay ka xoreeyaan.

Sidoo kale Xamse Barre ayaa wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta dalka oo hadda ka socda dhowr deegaan.

Dhaamn dhinacyadii uu la hadlay wuxuu Xamsa Barre si cad ugu sheegay in dowladda ay ka go’antahay inay soo afjarto Al-Shabaab oo si buuxda ay u garab istaagto dadka deegaanka iyo halganka socda, isagoo deegaanada aan weli kacdoonka sameyn dadka ku nool ugu baaqay inay is abaabulaan.

“Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya mabaadii’da ku qotoma Tiirka dib u xoreynta iyo sugidda Amniga, ayaa wuxuu tallaabadan u qaaday si uu u dhiirigeliyo naftood hurayaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka daawo