Sawirro: 10 degaan oo cusub oo maanta lagala wareegay Al-Shabaab (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo kula wareegay tuulooyin badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud oo ka kala tirsan HirShabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed.

Deeggano badan oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa maanta lagala wareegay argagixisada Al-Shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa Idaacadda VOA u sheegay in deegaano badan ay maanta kooxda ka saareen, iyagoo wacad ku maray in gobolka oo dhan ay ka xoreyanayaan Al-Shabaab, maalmaha soo socda.

Deegaandii ugu dambeeyey ee maanta laga xoreeyey kooxda ee gobolka hiiraan ayaa kala ah Tardo, Moora-Ari, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee bariga gobolkaas.

Dhinaca kale howlgallo culus ayaa ka socda seddax jiho oo gobolka Galguduud ah, waxaana maanta Al-Shabaab laga qabsaday deegaanada kala ah Maygaag-dhuub, Aboorey, Dhisaqo, Dhuumoodle, Cali-weyd iyo Dacawa-xun.

Ciidanka ka baxay Dhuusamareeb ayaa caawa kaabiga ku haya deegaanka Ceel-lahelay oo hoos taga Ceelbuur, ciidankaas waxaa hoggaaminaya wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha xoogga, Madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale oo xildhibaan Dhageys Ugaas uu ku jiro.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa sidoo kale hoggaaminaya ciidan dhinaca Baxdo saakay duulaan uga qaaday kooxda, kuwaas oo ugu yaraan 10 deegaan kala wareegay Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso warbixin ay diyaarisay VOA