Daawo: Rooble oo war lama filaan ah kasoo saaray khilaafkii kala dhexeeyey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyey shirka golaha wasiirada ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinkii soo dhamaaday.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Rooble oo ka hadlay shirka ayaa markale u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u duceyso.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo war lama filaan kasoo saaray wada-shaqeyntoodii.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaan rabaa inaan isna halkan uga mahadceliyo sidii sharafta laheyd ee uu dalkan kusoo hoggaamiyey iyo sidii sharafta laheyd ee xil wareejinta iyo qori isku dhiibka u sameeyey,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay wada-shaqeyn wanaagsan soo dhex-martay, ayna kaliya ku kala aragti duwanaayeen arrimaha doorashooyinkii soo dhammaaday.

“Waxaan maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa wada shaqeyn fiican iyo walaaltinimo waa nasoo dhex-martay bani’aadam ayaa la yahoo ilka iyo carab ayaa dad isugu dhow way is qaniinaan, waana sheegayoo Madaxweynaha aad ayaan iskula shaqeynay, laakiin dhibka Soomaaliya heesta waa sheegay miilkiilaha sow maahin?” ayuu markale  yiri Ra’iisu waasaruhu.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in wixii dhacay laga soo gudbay, isla-markaana uusan waxba u qabin Madaxweynihii hore ee dalka.

“Inaan u mahadceliyo ayaan rabaa si ufishal ahna inaan u dhoho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wixii dhacay Cafa Laahu Camaa Salafa, waan wada shaqeynay,”.