Daawo: R/W Cumar oo Brussels lagu ceebeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya ee la keeno gudaha dalka Soomaaliya iyo qaabka lagu joojin karo.

Wasiirka arimaha Gudaha Kenya oo saxaafada kula hadlay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay joojinta qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.

Wariye Abuukar Cawaale oo can ku ah Qaad Diid ayaa su’aal adag weydiiyay wasiirka arimaha gudaha Kenya, wuxuuna wasiirka ku jawaabay in dowlada Soomaaliya laga doonayo mamnuucida qaadka loosoo daabulo gudaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu si cad u sheegay wasiirka dowlada Kenya u hadlay in Dowlada Soomaaliya ay mamnuuci karto qaadka, kadina Kenya ay joojin karto qaadka, laakiin madaxda haddii aysan ka hadleynin iney sii socon karaan iibinta qaadka la geeyo Soomaaliya.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com