Xog: Guuleed oo kulminaya Xasan SheIkh, Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan + Ujeeddada

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in wajiga seddexaad ee shirka madasha wadatashiga qaran uu ka dhici doono magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah u ah maamulka uu madaxweynaha ka yahay C/ Kariin Xuseen Guuleed.

Cismaan Cali Maxamed “Socdaal” wasiirka Dastuurka iyo Dib u hishiisiinta oo wariyaasha kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in magaaladaasi lagu qaban doono shirka madaxda Soomaaliya isku arkayaan.

Wasiir Socdaal ayaa tilmaamay in ay martigalin doonto Galmudug shirkaasi oo muhiim u ah Soomaliya madaama looga hadlayo arimaha Soomaliya, waxaana ka qayb gali doono madaxda Dowlada Federaalka, madaxda Maamulada dalka iyo hogamiyasha Beesha Caalamka.

Horay Shirkaan waxa uu uga kala dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho, waxaana wajiga xiga haatan lagu wadaa in lagu qabto caasimada KMG Galmudug ee Cadaado.

Caasimadaha maamul goboleedyada ayaa lagu balamay in shirarka ka dhici doonaan waxaana la tagi doonaa Baydhabo iyo Kismaayo, iyadoo kadib go’aan cad laga soo saari doono nooco doorasho ee Soomaaliya ka dhaceyso.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com