Cabdi Weli Gaas: Bisha December shacabkeena rafaadka iyo ciilka MUQDISHO wey ka baxayaan

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta furay kalfadhiga 36 ee golaha wakiilada maamulka Puntland, kadib markii C.welli Gaas uu ku laabtay magaalada Garowe muddo 3 bilood kadib.

C/Welli Maxamed Cali, ayaa ka jeediyay furitaanka kulanka maanta qudbad uu kaga hadlayay arimaha amaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta deegaanada maamulkaasi ka taliyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay maamulkiisa uu ku dadaalay ka shaqeynta amaanka deegaanada maamulka Puntland uu ka taliyo, wuxuuna ku amaanay hayadaha amaanka gaar ahaan taliska ciidamada booliska Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney wadaan qorshe ay dhawaan ku furayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo muddo badan dhisme uu kus ocday.

Dhismaha garoonka Boosaaso ayuu sheegay inuu horseedayo in ciilka ay ka baxaan shacabka Puntland, sida uu hadalka u dhigay iyo ciriiriga ka heysto dhanka socdaalka, maadaama garoonka uu noqonayo garoon diyaaradeed oo caalami ah oo diyaaradaha toos kaga dagaan magaalada Boosaaso.

Dadka ka imaanaya dibadaha ee doonaya deegaanada Puntland ayuu sheegay iney toos kaga soo dagayaan magaalada Boosaaso ayna usii gudbi karaan deegaanada kale ee maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com