XASAN SHEEKH oo hadal cajiib ah ka jeediyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sida dastuurka uu qabo maanta furay kalfadhiga 7 aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib soo dhaweyn uu ka helay afhayeenka baarlamaanka iyo xildhibaanadii soo xaadiray.

Furitaanka Kalfadhiga 7 aad ee baarlamaanka waxaa soo xaadiray ku dhawaad 141 xildhibaan, waxaana maqnaa xildhibaano badan sida uu madasha ka sheegay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Waxaa madaxweynaha ku wehliyay goobta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilko Xanaf, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carta iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya kana mid ah baarlamaanka.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa furitaanka kadib hadal siiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa jeediyay qudbad uu kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu ugu horeyn amaanay xildhibaanada baarlamaanka ee sida daacada ah ugu shaqeeyo dadweynaha ay matalaan.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in dowladaha caalamka meelaha kaliya ee ay ka faanaan kamid tahay hayada sharci dajinta ama baarlamaanka, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay xildhibaanada iney gutaan waajibaadka saaran.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in xafiiskiisa uu ka taageerayo xildhibaanada waxyaabaha ay u baahanyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com