Taliyaha ciidamada xoogga oo isagoo ilmeynaya ka horyimid amarkii taliye INDHA-QARSHE ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Axmed, taliyaha ciidamada militariga dowlada Soomaaliya ayaa ka hor yimid amar uu horey u bixiyay taliyihii ciidamada xooga dalka Indha-Qarshe kaaso oo ahaa in ciidamada Naafada laga saaro isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha cusub ayaa sheegay in marnaba ciidamada naafada xooga dalka aan laga rari doonin goobta ay degen yihiin, wuxuuna isagoo ilmeynaya sheegay in marnaba arintaasi dhici doonin.

Ciidamada Naafada xooga dalka Soomaaliya ayuu sheegay iney waxyeelo usoo gaartay difaacada qaranka Soomaaliya, islamarkaana marnaba aan laga saari doonin isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

“Horta waa Nasiib daro, Waa Nasiib daro, Waa Nasiib daro umadda Somaliyed dadkii u naafoobay nasiib daro weyn waaye, qof Somaliyed oo Somalinimo ku abtirisanaya inuu yeelo ma’ahan in la idin ku ciseeyo oo la idinku sharfo oo la idinku karaameeyo ayeey aheyd.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu la wadaagi doono dhibaatada heysata ciidamada Naafada xooga dalka, uuna u sheegi doono in ciidamada aan laga saarin isbitaaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Walaahi waan u sheegayaa oo Bilaahi waan u sheegayaa Warbaahintana way u sheegaysaa, ana waan la hor fadhiisanayaa, Qofka Bini’aadamka waxaa laga rabaa inuu garto qof waliba wuxuu galay in uu garto Umadda Somaliyed ayaad u gasheen, deegaan uma aydaan gelin qolo gaar ahna uma aydaan gelin.” Ayuu yiri Taliyaha cusub ee ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com