Xog yaab leh: Kooxo aan la aqoon oo billaabay in ay canshuur ka qaadaan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa ka digay dad aan maamulka ahayn oo canshuur ka qaatay magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka oo saxaafadda la hadlay ayaa ugu horeen sheegay in shacabka ay canshuuraha ku dhiibi karaan xafiiska degmooyinka ay degan yihiin ee waaxda canshuuraha, isaga oo ka digay in aysan ku qaldamin dadka sheeganaya inay canshuurta qaadayaan.

Meesha kaliya ee lacagta canshuurta lagu dhiibi karo ayuu sheegay inay tahay xafiiska degmada ee waaxda Canshuuraha, una sheegay dadka in marnaba aanay gurigooda canshuurta ku bixin.

“Meesha kaliya ee canshuurta lagu bixin karo waa xafiiska waaxda canshuurha ay ku leedahay xarumaha degmooyinka magaalada Muqdisho, qofna yuusan gurigiisa isaga oo jooga canshuur ku bixin, cidii lacag meel cidlo ah ku bixiso iyadaa mas’uul ka ah”

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in hadii ay gacanta ku dhigaan dad aan la aqoon oo la sheegay inay canshuur qaadayaan la marsiin doono sharciga.

Dhawaan ayaa degmooyinka magaalada Muqdisho waxaa ka billawday qaadista lacagaha Canshuuraha Guryaha, waxaana maamulka gobalka uu sheegay in lacagahaasi lagu dhisi doono wadada Wadnaha oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com