Warbixin: Jawaari oo ku dhawaaqay arrin kadis ku noqotay xildhibaannada baarlamaanka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyay in maanta oo Axad ah uu si rasmi ah u furmi doono fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Somalia xili inta badan Xildhibaanadu ay safar ku maqan yihiin.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada BF looga baahan yahay inay soo ajiibaan furitaanka fadhiga waxa uuna tilmaamay in mudada uu fadhiga socdo looga hadli doono waxyaabaha horyaal BF.

Waxa uu sheegay in furitaanka fadhiga uu ku beegnaan doono saacadu marka ay tahay 9:00AM, sidaa darteedna Xildhibaanada looga baahan yahay inay soo ajiiban dacwada.

Guddoomiyaha waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in fadhiga 7aad ay Golaha hor yaallaan hawlo culus oo dhammantood dalka muhiim u ah.

‘’Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada haray ee wali ku maqan safarka inay si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan, si aan u amba qaadno dhammeystirka hawlaha nalaga doonayo inaan qabano, oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay.”

Geesta kale, Fadhigaani lagu wado inuu saaka furmo ayaa waxaa suuragal ah inaysan soo wada xaadirin dhamaan Xildhibaanada bacdamaa la sheegay in kala bar ay ku maqan yihiin safar dibada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com