Somali isku qarxiyay meel ka baxsan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska muwaadinkii labaad oo Soomaali ah ayaa isku qarxiyay magaalada Ramaadi ee dalka Iraq, qaraxaasi oo ay ku dhinteen dad oo askar u badan.

Abu Khalid Al-Britani oo ah muwaadin asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in qaraxa uu geystay ay ku dhinteen askar badan oo u dhalatay dalka Iraq, sida wargeyska uu daabacay isaga oo soo xiganayo saraakiil Ciraaqi ah.

Al-Britani, ayaa la sheegay inuu kamid ahaa dagaalyahanada kooxda Daacish, waxaana ruux kale oo lagu magacaabo Abu Maideh As-Somali kana mid ah Daacish uu sheegay in Al-Britani uu ahaa ruux ay saaxiibo dhow ahaayeen.

Abu Khaalid, waa muwaadinkii Seddexaad oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska oo isaga oo kamid ah Daacish isku qarxiya magaalada Ramaadi ee dalka Iraq.

Fatlum Shalaku ayaa ahaa muwaadinkii ugu horeeyay oo u dhashay dalka UK oo isku qarxiya magaalada Ramaadi, waxaana qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac.

Abu Omar al-Britani ayaa isna ahaaa muwaadinkii labaad ee kasoo jeeda UK iskuna qarxiya magaalada Ramaadi Todobaadkii lasoo dhaafay, kaasi oo sababay dhimashada askar badan iyo dhaawaca 80 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com