Xog: Muxuu Cabdi Weli Gaas ku arkay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dad badan oo la socdo dhaqdhaqaaqa madaxweynaha maamulka Puntland uu ka waddo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uu ujeedooyin badan u joogo magaalada Gaalkacyo.

Ilo xog Ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta Gaas u joogo Gaalkacyo tahay qancinta dadka ku dhaqan gobolka Mudug, maadaama muddo badan madaxweyneyaashii ka horeeyay ku shaqeyn jireen magaalada Garowe oo safarkooda Gaalkacyo uu yaraa.

Xogta ayaa sheegaysa in Gaas sidoo kale uu doonayo in xarun labaad oo uu ku shaqeeyo maamulka Puntland ka hergeliyo magaalada Gaalkacyo si ay mar walbaa xubnaha ugu sareeyo Puntland u tagaan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa muddo bilooyin ah ku suga magaalada Gaalkacyo waxaana magaalada laga dareemay dhaqdhaqaaq dhaqaalo oo gaaray shacabka ku dhaqan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com