Jubbaland oo soo saartay go’aan caqabad ku ah dadka shacabka ah ee ku nool JUBBOOYINKA.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda gaadiidka Maamulka Jubbaland ayaa digniin culus loogu diray Milkiilayaasha iyo wadayaasha gaadiidka ka howlgala deegaanada hoos taga Maamulka Jubba.

Qoraalka kasoo baxay wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in cidii aan u hogaansamin awaamirta wasaarada laga qaadi doono tallaabo sharciga maamulka waafaqsan, waxaana Milkiilayaasha iyo Wadayaasha gaadiidka kala duwan lagu wargaliyay in ay qaataan shuruucda gaadiidka, sida Taarikada, Aqoonsiga darawalka iyo shuruucda kale ee gaadiidka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Ciidamada wadooyinka iyo kuwa ku shaqada leh xaqiijinta amaanka guud ay amar u qabaan inay gacanta ku dhigaan shaqsigii wada gaari aan u diiwaan gashneyn wasaarada, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday wasaarada.

Sidoo kale waxaa digniin loo diray dadka hal taariko u isticmaala gaadiid kala duwan, iyadoo qofkii lagu helana la sheegay in gaariga laga xareyn doono islamarkaana la ganaaxi doono.

Amarkaani ayaa daba socda xili wadooyinka ugu mashquulka badan ee Magaalada Kismaayo lasoo dhoobay Ciidamo taraafiko ah kuwaasi oo ay khuseyso fulinta awaamirta wasaarada kasoo baxday.

Dhanka kale, tallaabadan ayuu maamulku sheegay in ay ka qeybqaadan doonto sugidda amniga iyo weliba in la aqoonsado gaadiidkii falal amni darro ka geysan raba gudaha magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com