Xog: Maxaa Axmed Madoobe ka hortaagan inuu magacaabo golaha wasiirada cusub ee Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa waxaa laga sugayaa soo magacaabida golaha wasiirada maamulkaasi iyo ku dhawaaqida madaxweyne ku xigeenka maamulka jubba, maadaama Dastuurka maamulka Jubba ogol yahay kaliya hal madaxweyne ku xigeen.

Axmed Madoobe,ayaa caqabado badan kala kulmay soo dhisida baarlamaanka maamulka Jubbaland oo dad badan ay kasoo horjeesteen taasi oo markii dambe dhalisay in xubnaha baarlamaanka ka gudbiyaan mooshin sharci daro ka dhigay baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Hadda caqabadaha ugu daran ee hortaagan madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay iney tahay qancinta siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulkiisa sida, Barre Hiiraale, Maxamuud Sayid Aadan, Maxamuud Yuusuf Aw-libaax, Maxamed Cabdi Kaliil iyo xubno kale oo Gedo kasoo jeeda.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeyso in Axmed Madoobe uu doonayo inuu dhiso golaha wasiirada, laakiin dowlada Soomaaliya damacsan tahay in Axmed Madoobe golaha wasiirada uu kusoo biiriyo siyaasiyiinta sida weyn kaga soo horjeedo.

Waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in wasiirada haatan jira ay soo laaban doonaan, balse wasiiro qaar lagu badali doono siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo si maamulkiisa uu kalsooni uga helaa siyaasiyiintii ay isku kacsanaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com