Maxaadan Ogeyn oo maanta ka socda Kismayo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM oo taageeraya ciidamada maamulka Jubba ayaa waaberigii saaka baaritaano saf mareen ah ka bilaabay xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa baaritaanka ka sameynaya xaafadaha ku dhexyaala magaalada, iyaga oo baadi goobaya shaqsiyaadka amni darada ka geysanaya xaafadaha magaalada Kismaayo.

Ku dhawaad 50 ruux oo dhalinyaro u badan ayaa la sheegayaa iney qabteen ciidamada iyaga oo iskugu geeyay goobo barxado ah oo ku yaala bartamaha magaalada, sida dadka deegaanka sheegayaan.

Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaanka ka sameynaya wadada isku xirta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo magaalada, waxaana laga shakiyay falal lidi ku ah amaanka magaalada.

Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin baaritaanka ciidamada dowlada ka sameynayaan xaafadaha magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com